Wasiirkii Dhalinyarada iyo cayaaraha Jubaland oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qaraxii maanta

Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha dowlad goboleedka Jubaland Sheekh Max’ed Max’uud Awlibaax ayaa goordhow Isbitalka Digfeer ee haatan loo yaqaan Isbitalka Recep Tayyeb Erdogan ee magaalada Muqdisho ugu geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sababsaday dhaawac ka gaaray madaxa, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen madaxda dowlad goboleedka Jubaland.

Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Jubaland Max’uud Sayid Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wasirku geeriyooday, isagoo tacsi u diray dhammaan dadkii u ka baxay, sheegayna in ay aad uga xanuunsanayaan geerida wasiirka.

Waxa uu sheegay in loo baahanyahay in hal meel looga soo jeesto kooxaha geeysanaya qaraxyada.

Call to listen LIVE +16417938169