Wasiir Beyle & Wasiiru Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden oo Washington Ku Kulmay

Wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan magaalada Washington ee xarunta dalka Mareykanka ayaa kulan gaar ah la yeeshay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Horumarinta Caalamiga Ah ee dowladda Sweden.

Kulankan ayaa kamid ah kulamo gaar gaar ah oo uu Wasiirku la yeelanayo madax ka socota dalal kala duwan iyada oo uu horay kulamo ula yeeshay madax kala mataleysa Bangiga Horumarinta Afrika, Bangiga Horumarinta Islaamka, IMF iyo Bangiga Adduunka.

Haweeneyda lagu magacaabo Ulrika Modeer oo ah Wasiiru Dowlaha iyo Wasiir Beyle ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sida dowladda Sweden ay uga qeyb qaadan karto hormarka dalka ka socda.

Dr Beyle waxaa kulanka ku wehelinayay madax ka tirsan Bangiga Dhexe ee dalka iyo la taliyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Wasiirka iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa muddooyinkii ugu dambeyayba ku sugnaa magaalada Washington si ay uga qeybgalaan shirka IMF iyo Baniga Adduunka oo ka socda dalka Mareykanka.

 

Goobjoog Business

Source: Business

Call to listen LIVE +16417938169