Waayeelka Kooxda Cajuusta oo la xaqiijiyay in uu ka maqnaan doono kulanka Spurs

Cayaariyahan Andrea Barzagli ayaa shaki wayn laga muu jinayaa inuu u ciyaari karo kulanka Kooxdiisa Juventus ay ku wajahayso tartanka Horyaalinta Yurub ee Uefa Champions League Kooxda reer England ee Tottenham Hotspur.

Labada Koox ayaa lugta koowaad ku kulmi doona Magaalada Turin habeenka Talaadada, hase ahaatee saraakiisha waaxda Caafimaadka ee Kooxda Bionconeri ayaa wali la tacaalaya xaalada Caafimaad ee Cayaariyahan Barzagli.

Barzagli ayaan ka qeyb qaadan tababarkii maanta, kaddib dhibaato dhanka muruqa ah oo kasoo gaartay lugtiisa midig, intii lagu guda jiray dheeshii Fiorentina.

Si kastaba ha ahaatee’ Kooxda Cajuusta ayaa shaki wayn ka muujinaysa Cabqariga reer Argentina ee Paulo Dybala, kaas oo aan kasoo muuqan doonin kulanka Spurs, halka xiddigaha Juan Cuadrado, Benedikt Howedes iyo Blaise Matuidi ay ka maqnaan doona kulankaas.

 

Image result for andrea barzagli injury

The post Waayeelka Kooxda Cajuusta oo la xaqiijiyay in uu ka maqnaan doono kulanka Spurs appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

Call to listen LIVE +16417938169