Thibaut Courtois oo ay hortalo laba daran mid doro’ Caruurtada ama Chelsea

Chelsea ayaa hishiis cusub ku abaalmarinaysa goolhaye Thibaut Courtois, kaas oo hada ku jira waqtigisii u danbeeyay.

 

Xiddiga heerka Caalami ee wadanka Belgium Courtois ayaa ku jira 18-kiisii bilow ee Kooxda Blues, kaas oo raba in uu ku laabto magaalada Madrid.

 

Courtois ayaa toddobaadkiiba Kooxdiisa ka qaata aduun dhan £100,000-kun oo gini, hase yeeshee bisha May kala xaajoon doona hishiis toddobadkiba ku kici doona £200,000-kun oo gini.

 

Sida ay ogaatay Jariirada London Evening Standard’ hogaamiyaha Kooxda Blues Antonio Conte ayaa maamulka Kooxdiisa kala hadli doona arimo la xiriira hishiis kordhin, taasoo meesha ka saaraysa hamigiisa ku aadan u dhaqaaqista Kooxda La Liga ee Real Madrid.

 

Qaar ka mid ah qoyska Courtois gaar ahaan laba Caruur iyo hoyadood ayaa ku nool magaalada Madrid, tasoo caqabad ku noqon karta jogitankisa Kooxda galbeedka Magaalada London ee Chelsea.

The post Thibaut Courtois oo ay hortalo laba daran mid doro’ Caruurtada ama Chelsea appeared first on Goolasha.net.

Source: Sports

Call to listen LIVE +16417938169