Stefan de Vrij oo dortay Kooxda uu ku birayo, Barca, Blues, Inter iyo kuwa kale

Daafaca dhexe ee Kooxda SS Lazio Stefan de Vrij ayaa lala xiriirinayaa saxiixiisa qaar ka mid ah Kooxaha ugu awooda badan qaarada Yurub.

 

 

Kooxaha Barcelona iyo Inter Milan ayaa ku loolamaya adeega xiddiga heerka Caalami ee wadanka Dutch de Vrij, kaas oo hishiiskiisa Kooxda Biancocelesti uu ku eg yahay dhamaadka fasal Ciyaareedkan.

 

 

Sida ay ogaatay Jariirada Mundo Deportivo, qaar ka mid ah wakiilada Kooxda Bluagrana ayaa u safri doona caasimada dalka Talyaaniga, si ay wadahadalo ula furtan maamulka Kooxda Lazio, kaasi oo ku adan adeega Cayaariyahan De Vrij.

 

 

Si kastaba ha ahaatee Cayaariyahan De Vrij ayaa dhawaan sheegay in uu jeclaan lahaa ku biirista Kooxda Barca, taas oo kal hore sheegtay in hishiiskiisa Camp Nou uu qayb ka noqon doono Cayaariyahan Thomas Vermaelen, walow aysan meesha ka marneen Kooxda Nerazzurri.

 

The post Stefan de Vrij oo dortay Kooxda uu ku birayo, Barca, Blues, Inter iyo kuwa kale appeared first on Goolasha.net.

Source: Sports

Call to listen LIVE +16417938169