Somali Faces oo 17 Saacadood Gudahood $10,238 Ugu Aruuriyay Dadkii Ku Waxyeeloobay Qaraxii Muqdisho

Somali Faces oo ah bar keydisa sidoo kalena gudbisa sheekooyinka Soomaalida ku nool daafaha caalamka ayaa 18 saacadood ka hor bilaabay olole caalami ah oo ay lacag ugu aruurinayaan dadkii ku waxyeeloobay qaraxii ay ku dhinteen in ka badan 230 qof ee magaalada Muqdisho ka dhacay Sabtigii lasoo dhaafay.

Illaa iyo hadda 287 qof ayaa tabarucaad ku sameysay bogga GoFundMe oo ay Somali Faces u sameysay in ay dadka lacagaha ugu aruuriyaan dadka weerarkii sabtiga ku waxyeeloobay, waxaana bogaasi soo gaartay lacag dhan £7,708 oo $10,238 u dhiganta.

Laba saac ka hor ayey bogooda Facebook kusoo qoreen in 60% ay soo gaartii deeqdii ay filayeen, balse waxey walwal ka muujiyeen tirada dhimashada ee sii kordheysa.

Source: Business

Call to listen LIVE +16417938169