Shirkada Air Arabia oo shaacisay inay duulimaadyo cusub ay ka bilaabayso Somaliland

Shirkada Diyaaradaha ee Air Arabiya ayaa shaacisay in 4 July ee sanadkaan si rasmi ah ay duulimaadyo cusub ka bilaabeyso magaalada Hargeysa ee xarunta  Somaliland.

Xaflad ka dhacday Hotelka Deera Mall ee magaalada Hargeysa ayaa lagu soo bandhigay qorshaha duulimaad ee shirkadda Air Arabiya oo ah mid caalami ah shirkadaha Khaliijka fadhigoodu yahay, taasoo duulimaadyo labo jeer ah ku tagidoonto todobaadkiiba Magaalada hargeysa.

Magaalada Hargeysa ayaa waxaa sidoo kale, duulimaad joogto ah ku tagto  shirkadda Fly Dubai oo wada shaqeyn kala dhaxeyso shirkadda Emirates oo ay ka dhamaantood ah kuwo fadhigoodu fahay khaliijka.

Call to listen LIVE +16417938169