(Sawiro) Shil Gaari oo Sababay Dhimasho Dhaawac oo Ka dhacay Duleedka Hargeisa

Shil Gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa Gelinkii dambe Maanta waxa uu ka dhacay Duleedka Galbeed Ee Magaalada Hargeysa ee Soomaaliland.

Shilkaas ayaa waxaa  Ku geeriyooday ilaa  Saddex Qof oo hal Gaari wada saarnaa oo mid ka mid ahina  uu ahaa Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliland kaas  oo Magaciisa lasu shegay Amarre, halka labada kalana ay ahaayeen Darawalkii Gaariga waday iyo Qof ka saddexaad oo ahaa Arday Da’ayar.

Labada Gaari ayaa mid kamid ahi Gubanayay waxaana halkaa gaaray Gawaari ay wataan Ciidanka Dab-demiska oo damiyay dabkii ka kacay Gaariga .

Mid ka mid ah Gawaarida shilka galay ayaa ahaa nooca Xamuulka qaada oo waday Khudaar halka midka kale uu ahaa Gawaarida yar yare e nuuca raada ah.

 

Call to listen LIVE +16417938169