Robert Lewandowski oo kusoo wajahan England, xilli ay dhici karto in uu bedel u noqdo Morata

Kooxda Kubada Cagta ee Chelsea ayaa xiiseyneysa saxiixa weeraryahanka Kooxda Bayern Munich Robert Lewandowski, sida laga soo xigtay Jariirada Daily Star.

Kooxda kasoo jeeda galbeedka Magaalada London ee Blues ayaa tartan adag kala kulmi karta Kooxaha Real Madrid iyo Manchester United oo qayb ka ah helida Cayaariyahan Lewandowski, sida uu sheegay dulaalkiisa Pini Zahavi.

Sida ay ku waramayso Jariirada A Pole, Blues ayaa ka fekeraysa waxa ay ka yeeli doonto Cayaariyahanka reer Spain ee Alvaro Morata’ kaas oo aan ku qanacsaneen qaab Ciyaareedka tartanka English Premier League.

29-sano jirka reer Poland ee Robert Lewandowski ayaa raba in uu isaga tago Kooxda dhawaan ku guulaysatay Bundesligue ee Munich, xilli sidoo kale xiisihiisa ay qayb ka yihiin macalimiinta Reds iyo City ee Pep Guardiola iyo Jurgen Klopp.

 

Robert Lewandowski

The post Robert Lewandowski oo kusoo wajahan England, xilli ay dhici karto in uu bedel u noqdo Morata appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

Call to listen LIVE +16417938169