Qalabka Hawada Soomaaliya ay dowlada la wareegtey muxuu ka koobanyahey

Qalabka Hawada Soomaaliya ay dowlada la wareegtey muxuu ka koobanyahey

Qalabka ay dowlada Soomaaliya la wareegtey  ayaa warbixin ay qortey ICAO shan bilood ka hor ku sheegtey  in ICAO iyo UN ay Muqdisho keenayaan  qalab cusub oo lagu hagi  doono hawada Soomaaliya gees ka gees, dhinac walba, barriga dushiisa iyo badda dusheeda wixii mara ay Soomaaliya xuduud ahaan u leedahey oo dhan.

Qalabkan ma ahan mucaawano Soomaaliya la siiyey, ee waa qalab laga iibiyey dakhliga ka soo xarooda isticmaalka hawada Soomaaliya.

Warbixin ay soo saartey hey’ada ICAO taariikhdu markey aheyd 20ka bisha January 2017 ayaa waxa ay sheegtey qodobadan oo ah mashruucyo socda oo hirgalintooda ay fulayaan isla sanadkan aynu ku jirno bilowgiisa (ICAO, 2017):

  • In Xamar la keeni doono qalabkii lagu hagi lahaa hawada Soomaaliya bad iyo barriba, qalabkan ayaa loo yaqaanaa ATM ama hagida iyo maamulida diyaaradaha dul mara hawada iyo kuwa soo caga dhigta dalka
  • In saddex magaalo oo ka mida ah Soomaliya lagu rakibo qalabka loo yaqaano VSAT oo ah qalab satelliteka hawada ku shaqeeya oo la soconaya dhaqdhaqaaqa diyaaradeed iyo isgaarsiinta kale ee lala yeelanayo wax walboo hawada maraya iyo xarumaha kale ee saadaasha hawada wadamada jaarka aynu nahey, qalabkan waa qalab aad u weyn oo anteenooyin, dish-yo, modem iyo tranciever ka kooban oo dhammaantood loo adeegsado isku xidhka iyo isgaarsiinta barriga, hawada iyo badda oo laga warhayo dhaqdhaqaaqa diyaaradeed ee dul maraya dalka.
  • Warbixintu waxa ay qortey in qalab kale la keeno xarunta maamulka garoonka Xamar ee ahaan doonta halka laga hagi doono hawada Soomaaliya, qalabkan waxa uu iskugu jiraa computers, servers iyo isgaarsiin heer caalami ah oo noocii ugu danbeeyey ah
  • In la badalo qalabkii lagu shaqeyn jirey ee duugoobey ama howlgabka noqon raba (in la badalo qalabka uu xafiiska nayroobi ku shaqeeyo waa ay suura gashey oo qalabkii lagu badali lahaa waa kan Xamar loo soo direy sida uu heshiiska iyo warbixintan ay qortey ICAO laftirkeeda ku cad, hoos ka akhri tixraaca warbixinta ICAO)
  • In la casriyeeyo qoraaladii iyo buugaagtii xogta aheyd ee lagu maamuli jirey ama haatan lagu maamulo hawada Soomaaliya
  • In la tababaro dadkii ka shaqeyn lahaa xarunta garoonka Xamar, waliba waxaa warbixinta ku cad iney dadkan noqdaan kuwa wadanka Soomaaliya u dhashey oo bilow illaa dhamaad la siinayo tababar heer-caalami ah oo la jaanqada adduunka
  • Iyo qalab kaloo isku xidhayo xarumaha isgaarsiineed ee hawada sida India oon badweynta wadaagno iyo wadamada jaarka ah.

 

Hadaba warbixintaasi waxa ay qortey  ayaa ah in qalabkan Xamar la keenay uu yahey mid ay Soomaliya leedahey. Qalabkan cusub haduu Nayroobi tago waxaa lagu badalayaa qalabkii xafiiska Nayroobi yaaley ee 20 sano ka badan shaqeenayey oon waligiis la casriyeenin

Dad badan ayaa is weydiinaya oo odhanaya maxey tahey sababta ay ICAO iyo UN ay u soo direen qalabka cusub, hadana ay u odhanayaan hala soo celiyo oo waxaa loo wadey Nayroobi oo waa lagu khaldamey. Bahdilka noocaas iyo sharaf ka dhacaasi waa mid u baahan in aan ka hadalno, dowladana warbixinta ay qortey ICAO ayeyba ku doodi kartaa oo caddeynaya in qalabkan Soomaaliya loo wadey oo aysna jirin wax lagu khaldamey.

Hadey dowlada Soomaliya aqbasho codsiga ICAO iyo UN oo ah in qalabka la geeyo Nayroobi waxa ay noqoneysaa khayaamo qaran ay galaan madaxda Soomalaiya.

 

Reference

ICAO, 2017. FLIGHT INFORMATION SERVICES FOR SOMALIA (FISS). [Online]  https://www.icao.int/APAC/Meetings/2017%20AAMA/Flimsy%20Flight%20Information%20Services%20for%20Somalia.pdf
[Accessed 2017].

 

WQ:  Abdirsaaq Macalin

Abdipilot@gmail.com

Call to listen LIVE +16417938169