PSG oo waxay hadal ka tiri xaalada Cayaariyahan Edinson Cavani, tollow ma laiibinaa

Kooxda Kubada Cagta ee Paris Saint-Germain ayaa doonaysa in ay iska iibiso Weeriryahankeeda reer Uruguay ee Edinson Cavani.

 

Cayaariyahan Edinson Roberto Gómez Cavani ayaa la xasuustaa in kal hore ay isku dheceen Weeriryahanka Ugu qaalisan dunida ee Neymar, kaddib markii ay isku qabsadeen rigoore tuuris dheeshii ay la qaateen Kooxda Lyon bishii hore.

 

Qaar ka mid ah Kooxaha qaarada Yurub ayaa hada ka fekeraya aayaha danbe ee Cayaariyahan Cavani oo laga yaabo in uu ka tago garoonka Parc des Princes, tan iyo sanad Ciyaareedkii 2013-kii markaas oo qiimo dhan €64 million kaga yimid Kooxda reer Talyaani ee Napoli.

 

Si kastaba ha ahaatee Cayaariyahan Cavani ayaa albaabada u furay Kooxada dalka Talyaaniga Xilli Kooxda Bundesliga ee Bayern ay qayb ka ahayd Kooxihii u danbeeyay oo lasoo xiriiray Wakiilkiisa.

 

http://i4.mirror.co.uk/incoming/article11193179.ece/ALTERNATES/s615b/http://i3.mirror.co.uk/incoming/article11362201.ece/ALTERNATES/s615b/

The post PSG oo waxay hadal ka tiri xaalada Cayaariyahan Edinson Cavani, tollow ma laiibinaa appeared first on Goolasha.net.

Source: Sports

Call to listen LIVE +16417938169