Olole Nadaafadeed oo ka belowday Magaalada kismaayo.

Waxaa manta Magaalada Kismaayo ka bilowday  Olole nadaafadeed oo lagu soo celinayo bilicda magaalada kaasoo socon doona mudo labo maalmood ah.

Ololahaan oo ay si wada jir ah isaga kaashanayeen Maamulka Jubbada Hoose iyo maamulka Degmada kismaayo, Ururada Haweenka iyo ururka  dhalinyarada Jubbaland ayaa lagu nadiifinayay wadooyinka iyo xaafadaha magaalada kismaayo.

Gudoomiyaha Xaafada Calaleey oo ka hadlay goobta uu ololaha nadaafadu kasocday ayaa bulshada ku dhaqan magaalada kismaayo ugu baaqay sidii ay uga shaqayn lahaayeen Nadaafada iyo bilicda Magaalada waxaana hadaladiisii kamid ahaa:-

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Gudoomiyha haweenka Gobalka Jubbada Hoose Faadumo Aadan Kateela  iyo Gudoomiyaha Uruka Haweenka Jubbaland Badraan Axmed Cabdule ayaa waxa ay sheegeen inay ay ka shaqayn doonaan quruxda iyo bilic soo celinta magaalada

jazeera fm

kismaayo

Call to listen LIVE +16417938169