NIN XUKUN XABSI AH LAGU RIDAY KADIB MARKII UU CABAY SIGAAR BISHA RAMADAN

Maxkmad ku taala Dalka Tunisia ayaa xukun hal biloo xarig ah ku riday nin sigaar ku cabay Meel Dad badan ay ku sugnaayaan xili lagu guda jiro bisha barakeeysan ee Ramadaan.

Ninkaan ayaa lagu arkay isaga oo sigaarka ku cabaya  Halka loo yaqaan Bizerte sida uu maxkmada ka sheegay mid kamid ah Saraakiisha maxkmadaasi.

Ninkaan ayaa loo qabtay in muddo 10 bari  gudahood uu ku qaato racfaan inta aanay maxkmada qaadin tilaabo .

1 dii Bishaan june ayaa maxkmad ku taalo dalkaasi Tunisia waxa ay mid hal bi loo xarig ah ku riday 4 ruux oo la soo qabtay iyaga oo raashin cunaya  xiliga maalintii ah iyada oo lagu guda jiro bisha barakeeysan ee Ramadaan.

Dalka Tunisia oo ah dal Muslim ah ayaa waxaa uu soo saaray amar ku aadan in la xiri doono qofkii lagu arkaa isaga oo wax cunaya inta lagu guda jiro bisha barakeeysan ee Ramadaan.

Call to listen LIVE +16417938169