Nin qaxooti ah oo Facebook dacweeyey

Nin Suuriyaan ah oo qaxooti ku ah Jarmalka oo sawirna la galay ra’isal wasaare Angela Merkel, ayaa dacwad ku soo oogay shirkadda Facebook oo uu ku eedeeyayin ay ku masabidday qoraallo lagu argagixisonimo ah oo lagu faafiyey barta bulshadu ku xidhiidho ee Facebook.

Tallaabadan sharci ee uu qaaday waxay ku soo beegantay iyadoo cadaadis badan lagu saarayo Facebook in ay wax ka qabato wararka beenta ah ee boggageeda lagu faafiyo.

Waxa jiray dhacdooyin fara badan oo ka dhacay Jarmalka oo dad soo galooti ah iyo qaxootiba lagaga faafiyey warar been ah baraha bulshada.

Anas Modamani oo ah ninka haatan dacwadan furtay ayaa ka mid ah dadka wararka beenta ah lagu masasabiday. Bishii sembtembar 2015 kii oo ay Angela Merkel booqatay xarun ay ku noolyihiin dadka qaxootiga ahi, ayaa ninkani caan noqday ka dib markii uu sawir la galay ra’isal wasaaraha.

Imika waa 19 jir waxaanu dalka ku galay qaxootinimo ka dib markuu ka soo qaxay magaalada Daarayya ee dalka Suuriya oo uu socdaal dheer ku soo maray Turkiga, Giriigga iyo Serbia.

Call to listen LIVE +16417938169