Miralem Pjanic oo kusoo laabtay safka Kooxda, halka Buffon, Cuadrado

Kooxda Kubada Cagta ee Juventus ayaa ku dhawaaqday xiddigaheeda ka hor kulan sidded dhamaadka oo ay wajihi doonaan Kooxda deriskooda ee Torino.

 

Miralem Pjanic ayaa kasoo muuqday liiska Xiddigaha Kooxda cajuusta ee wareega quarter-finalaha tartanka Coppa Italia, kaas oo ay caawa la Ciyaari doonaan Kooxda Torino oo hadii ay ka badiyaan wareega nus dhamaadka tartankan ay la Ciyaarayaan Kooxda Atalanta.

 

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Kooxda Juve Pjanic ayaa dib ugu soo laabanaya safka Kooxdiia, kaddib markii uu seegay kulankii ay la qaateen Kooxda Hellas Verona.

 

Si kastaba ha ahaatee, Gigi Buffon, Mattia De Sciglio, Juan Cuadrado iyo Benedikt Howedes ayaa weli ku jira miiska daaweynta ee Kooxda iyadoo seegi doona kulanka Derby della Mole.

 

Hogaamiye Max Allegri uu door bidayo qaab ciyaareedka 4-3-2-1, iyadoo Claudio Marchisio, Paulo Dybala, Douglas Costa iyo Gonzalo Higuain ay dhamaantod qayb ka yihiin safkiisa.

 

Federico Bernardeschi ayaa tartan adag la geli doona dhigiisa Douglas Costa iyadoo safkaan uu ka maqan yahay Cayaariyahan Juan Cuadrado.

 

Safka Juventus ee ka hor tagi doona Kooxda Torino: Chiellini, Benatia, Pjanic, Khedira, Marchisio, Higuain, Dybala, Douglas Costa, Alex Sandro, Matuidi, Barzagli, Pinsoglio, Mandzukic, Pjaca, Asamoah, Szczesny, Rugani, Lichtsteiner, Sturaro, Bentancur, Bernardeschi, Loria.

 

The post Miralem Pjanic oo kusoo laabtay safka Kooxda, halka Buffon, Cuadrado appeared first on Goolasha.net.

Source: Sports

Call to listen LIVE +16417938169