Milkiilaha Facebook, Mark Zukerberg, oo La Afuray Qoys Soomaali Ah oo Dagan Minneapolis

Milkiilaha shirkadda Facebook, Mark Zukerberg ayaa habeenkii xalay ahaa la afuray qoys Soomaali Mareykan ah oo dagan magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.

Dad badan oo Muslimiin ah ayaa arrintaasi ku faafiyay baraha bulshada iyaga oo u riyaaqay sida niyad wanaagga ah ee uu garab istaagga u muujiyay.

Dalalka Reer Galbeedka (gaar ahaan UK, France iyo USA) waxaa ka jira ‘Islamophobia’, waxaana jira xad-gudubyo loo geysto Muslimiinta dalalkaas ku sugan.

Mark Zukerberg waa qofka 5’aad ee ugu hantiga badan waqti xaadirkan, waxaana hantidiisa lagu qiyaasaa $59.1.

Waa markii ugu horreysay oo Zukerberg uu la afuro dad Muslimiin ah.

Bartiisa Facebook ayuu soo geliyay sawiro muujinaya isaga oo la afuraya qoyska Soomaalida ah, isaga oo soo raaciyay qoraal kooban oo uu bulshada kula wadaagayo fekerkiisa.

Qoraalka:

Goobjoog Business

 

Source: Business

Call to listen LIVE +16417938169