Mihajlovic’ qabasha Xulka Qaranka Talyaaniga kaliya waxaa qaban kara

Hogaamiyaha Kooxda Torino Sinisa Mihajlovic ayaa sheegay in uu Jeclaan lahaa in uu arko Luigi Di Biagio oo loo magacaabo hogaamiyaha Xulka qaranka Talyaaniga.

Xiddigii hore ee Khadka dhexe ee Xulka Azzurri Di Biagio ayaa Ciyaaro saaxiibtinimo la kala Ciyaari doona wadamada England iyo Argentina, ka hor inta aan la dooran Madaxwaynaha xiriirka Kubada Cagta ee FIGC.

“Waxaan doonayaa laba Kulan kaddib Di Biagio oo loo magacaabo shaqada Xulka qaranka Talyaaniga,” ayuu macalinka Kooxda Torino Mihajlovic u sheegay Sky Sport Italia.

“Si wanaagsan ayuu u maamulaa shaqada Cayaartoyda 21-jirada italia, isaga wuxuu lee yahay awooda [Roberto] Mancini, [Carlo] Ancelotti iyo kuwa kale, “ayuu hadalkiisa kusoo koobay.

 

The post Mihajlovic’ qabasha Xulka Qaranka Talyaaniga kaliya waxaa qaban kara appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

Call to listen LIVE +16417938169