Microsoft oo Ku Dhawaaqday Iney Si Rasmi ah U Joojineyso Soosaarista Taleefonada Ku Shaqeeya Windows 10

Joe Belfiore oo ah ku xigeenka qeybta barnaamijyada shirkadda Microsoft oo dhowr farrimo oo kala duwan soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay inaaney marna dib dambe u cusbooneysiin doonin barnaamijyada mobillada ku shaqeeya ee Window10, waxuuna sheegay in shirkaddu gabi ahaanba joojin doonto soo saarista mobillada ku shaqeeya windows-ka gabi ahaanba.

Arrintan ayaa waxaa aad uga xumaaday dadka adeegsada mobillada Smartphone ka ah ee ku shaqeeya nidaamka Windows-ka.

Shirkaddu waxay sheegtay in dadka hadda adeegsada nidaamka window 10 ay muddo sanad ah oo dambe sii isticamaali karaan, balse wixii intaa ka dambeeya ay shirkaddu si toos ah u joojin doonto adeegyada mobillada windows ku shaqeeya.

Shirkadda Microsoft waxay aragtay in nidaamka windowga ay ka awood badiyeen Android iyo iOS, sidaa darteed waxay dooneysaa iney barnaamij kale oo ay kula tartanto shirkadaha Samsung iyo Apple ay suuqyada soo geliso dhawaan.

 

Goobjoog Business

Source: Business

Call to listen LIVE +16417938169