Marcos Rojo oo taam u ah kulanka Sabtida, xilli Mou uu liiskiisa ka qubay Smalling iyo Phil Jones

Daafaca dhexe ee Kooxda Manchester United Marcos Rojo ayaa la filayaa in uu garoomada kusoo laaban doono dhawaan, kaddib markii la xaqiijiyay in uu caafimaad qabo.

Daafaca reer Argentina ee Rojo ayaa ku dhaawacmay kulan Ciyaareedkii adkaa ee u dhaxeeyay Kooxaha United iyo Anderlecht bishii April sanadkii hore, kaas oo qayb ka ahaa tartanka Europa League ee.

Marcos Rojo ayaa u saftay 10-kulan dhamaan tartamada oo dhan Kooxda Red Devils tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkan, hase ahaatee sharaakiisha Kooxdaas ayaa hada aaminsan in uu taam u yahay.

Rojo ayaa ku soo bilaaban doona kulanka FA Cup ee wareega afaraad ay la qaadan doonaan Kooxda Huddersfield galabnimada Sabtida, xilli safkiisa uu kasaaray Macalin Mou xiddigaha Chris Smalling iyo Phil Jones, ku waas qaab ciyaareed liita kusoo bandhigay kulamadii ay la kala qaateen Kooxaha Newcastle iyo Tottenham Hostpur.

 

https://imagesvc.timeincapp.com/v3/mm/https://imagesvc.timeincapp.com/v3/mm/

The post Marcos Rojo oo taam u ah kulanka Sabtida, xilli Mou uu liiskiisa ka qubay Smalling iyo Phil Jones appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

Call to listen LIVE +16417938169