Marcelo oo ugu baaqan saaxiibadiisa Kooxda Madrir in aysan isku mashquulin Neymar

Daafaca bidix ee Kooxda Marcelo Real Madrid ayaa ka digay in ay qalad tahay in diirada la saaro kaliya Cayaariyahanka ugu qaalisan dunida ee Neymar, marka ay wajahayaan kooxda Paris Saint-Germain habeenka Arbacada.

Cayaariyahan Neymar ayaa ka garab Ciyaaray mucjisada gaaban ee Kooxda Barcelona Lionel Messi waa yihiisa Camp Nou, balse caawa ka hor tagi doona isagoo metelaya Kooxda Faransiiska ee PSG.

Kooxda Faransiiska ayaa wajahaysa qaab ciyaareedka wanaagsan marka loo eego dhigeeda Real, taas oo aan guul fiican soo hooyin tan iyo markii uu bilowday fasal Ciyaareedkan.

Si kastaba ha ahaatee Laacibka guran ee Kooxda Madrid Marcelo Vieira ayaa sheegay in Neymar uu kusoo biiri doono kooxda ka dhisan Santiago Bernabeu.

“Waxaan la hadlay isaga, lakiin kama hadalno kubada cagta.

”waa fikir qaldan in isaga kaliya diirada la saaro, waan ogahay in Neymar uu wax walba ka samaysan karo kubada Cagta, balse waxaan isku dayi doonaa inaan ku mashquulno Ciyaarta inteeda kale.

 

Image result for MarceloImage result for neymar and marcelo dance

The post Marcelo oo ugu baaqan saaxiibadiisa Kooxda Madrir in aysan isku mashquulin Neymar appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

Call to listen LIVE +16417938169