Manchester United oo ku dhow in ay gacanta ku dhigto bedelka Ander Herrera

Kooxda Kubada Cagta ee Manchester United ayaa dib u milicsan doonta xiisaheeda ku aadan Cayaariyahan Fabinho, kaas oo qayb ka ah Kooxda AS Monaco.

Hogaamiyaha Kooxda United Mourinho ayaa damacsan in uu mar kale la midoobo kalyantigiisii hore ee Fabinho, kaas oo la wada ogson yahay in ay kasoo wada shaqeeyeen Kooxda boqorada Cad_cadka ee Real Madrid.

Manchester United ayaa lumin doonta Cayaariyahankeeda Khadkla dhexe ee Ander Herrera, kaasoo lago dhan £32-million oo gini ugu wareegi doona Kooxda reer Talyaani ee AC Milan, ka hor bilowga ololaha danbe.

Kooxda boqorada dalka Faransiiska ee Monaco ayaa bilowgii xagaagan iska diiday aduun dhan £45m, si ay u hilmaamto adeega Cayaariyahanka reer Brazil ee Fabinho, kaas oo sidoo kale bartilmaameed u ahaa qaar ka mid ah Kooxaha kale ee qaarada Yurub.

 

Image result for Fabinho and Ander HerreraImage result for Fabinho and Ander Herrera Image result for Fabinho and Ander Herrera

The post Manchester United oo ku dhow in ay gacanta ku dhigto bedelka Ander Herrera appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

Call to listen LIVE +16417938169