Manchester United oo kaga horaysa dhigeeda Chelsea saxiixa Cayaariyahan,,,

Manchester United ayaa bilaabaysa in ay wadahadalo la furato dhigeeda Paris Saint-Germain kaas oo ku aadan helida Cayaariyahan Lucas Moura, sida ay ku waramayso Jariirada Faransiiska ee Le 10 Sport.

Xiddiga reer Brazil ee Moura ayaa u muuqda mid sii dhamaanaya mustaqbalkiisa Kooxda PSG, kaaso la ogson yahay in bishii December uu hishiiska shaqsiga la gaaray Kooxda reer Chine ee Beijing Guoan.

Cayaariyahan Lucas ayaa iska fogeeyay u dhaqaaqista Horyaalada Maraykanka ee major League Soccer iyo si la mid ah tartamada kale ee yurub.

Si kaataba ha ahaatee Kooxda Chelsea ayaa sidoo kale qayb ka ah Naadiyada lala xiriirinayo Cayaariyahan Lucas Moura, kaas oo raba in bishan uu ka tago Kooxda Ligue 1 ee PSG.

The post Manchester United oo kaga horaysa dhigeeda Chelsea saxiixa Cayaariyahan,,, appeared first on Goolasha.net.

Source: Sports

Call to listen LIVE +16417938169