Man United Oo Ku Dhow Inay Lasoo Wareegto Weeraryahanka Inter Milan Perisic.

 

 

Manchester United iyo Inter Milan ayaa ku dhow inay heshiis ka gaaran, arinta Ivan Perisic.

Unitedka ayaa dooneysa inay kusoo qaadato xiddigan lacag dhan £ 40 milyan.

 

The Sun ayaa sheegaysa in ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Inter ee reer Croatia

in lagu wado inuu noqdo saxiixa saddexaad ee suuqa kala iibsiga Jose Mourinho,

ka dib markii ay soo xerogeliyeen Romelu Lukaku iyo Victor Lindelof.

 

Kooxda Inter ayaa dooneysay inay ciyaaryahankan kusii heeyso kooxda,

laakiinse haatan waxay u muuqata mid aad u dhow heshiiska.

 

Inter ayaa sidoo kale ku dhow inay dhameystirto heshiiska xiddiga Lazio Keita Balde.

Source: Sports

Call to listen LIVE +16417938169