Magaalada Xudur oo Shilin Soomaaliga Laga Diiday

Qeybo badan oo kamid ah gobolada dalka ayaa waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay ka taagnaa xasarado maaliyadadeed kadib markii ganacsatada goboladaas ay diideen in ay qaataan lacagta Shilin Soomaaliga.

Guddoomiyaha degmada Xudur, Maxamad Macallin Axmed ayaa Goobjoog Business u sheegay in xasaradda maaliyadeed ee dalka ka taagan ay saameyn ku yeelatay ganacsiga iyo nolosha dadka Xudur.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in ganacsiga Bakool uu ku xeranyahay ganacsiga gobolka Hiiraan sidaa darteedna ay soo gaartay diidmada lacagta ee kasoo bilaabatay gobolka Hiiraan.

Gobolada kale ee ay arrintan saameynta ku yeelatay waxaa kamid ah gobolada Galgaduud, Hiiraan, Shabeelaha Dhexe iyo Bakool.

Goobjoog Business

Source: Business

Call to listen LIVE +16417938169