Lionel Messi: “Manchester City Ama PSG Midkood ayaa ku Guuleysan Kara Champion League Xili Real Madrid Oo Ka Hadlay”

Weeraryahanka Barcelona Lionel Messi ayaa qiray in Manchester City ay awood u leedahay inay garaacdo kooxda Isbaanishka, hadii kooxdu ay udhaqaaqdo wareega isreebreebka Champions League.

16kii kulan ee ugu danbeysay ee tartanka, oo todobaadkan bilaabanaya, City ayaa wajaheysa Basel iyo Barca wajaheysa Chelsea.

Isagoo la hadlayay The Mirror, weeraryahanka reer Argentine Lionel Messi ayaa sheegay in Real Madrid iyo Bayern Munich ay sidoo kale awoodaan inay ku garaacaan Barcelona, kooxda Pep Guardiola ayaa u badan inay ku garaacdo kooxda reer Catalan.

“Manchester City waa mid ka mid ah kooxaha ugu xoogan, sidoo kale Paris Saint-Germain” ayuu yiri 30 jirkaan. “Sidoo kale aniga kama saari doono Real Madrid marka la eego tayada iyo qibrada, inkastoo aysan weli gaarin natiijooyinka la filayo.

“Markaa waxaa jira Bayern Munich, koox kale oo weyn oo ciyaari doonta ilaa dhamaadka ciyaarta, laakiin maanta, sida ugu fiican waa City iyo PSG.”

Liverpool iyo Tottenham ayaa sidoo kale usbuucaan ku soo laabanaya Champions League, iyagoo wajahaya Porto iyo Juventus.

The post Lionel Messi: “Manchester City Ama PSG Midkood ayaa ku Guuleysan Kara Champion League Xili Real Madrid Oo Ka Hadlay” appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

Call to listen LIVE +16417938169