Kooxda Ugu fiican Toddobadkan Premier League, Kane, Salah, Aguero, de Bruyne iyo kuwa kale

Faalo qoraha Caanka ee Majalada BBC-da Garth Crooks ayaa aragtidiisa ku cabiray 11-ka Nin ee Ugu fiican isbuucan, ka hor kulanka adag ee u dhexeeya Kooxda difaacanaysa Horyaalka ee Chelsea iyo si la mid ah Kooxda West Bromwich Albion, kaas oo qayb ka ah tartanka English Premier League.

 

 

Kaddib Natiijoyin guuldaro isku mid ah ay soo xareesteen Kooxaha Arsenal iyo Manchester United ayaa laga waayay liiska qabiirka Garth Crooks, kaas oo la ogson yahay in labada Koox ay ku kala wareegeen Pierre-Emerick Aubameyang, Henrikh Mkhitaryan iyo Alexis Sanchez, hase ahaatee kasoo muuqan waayay safkiisa.

 

Image result for Mat Ryan

 

Goolhayaha – Mat Ryan (Brighton & Hove Albion)

 

Goolhaye Mat Ryan ayaa gool kulaad ka bad baadiyay Cayaariyahan Charlie Adam waqtigii dhimashada, xilli ciyaartii ka dhacday kalcada Britannia Stadium uu kusoo dhamaaday bar baro 1-1.

 

Image result for Pablo Zabaleta

 

Daafaca – Pablo Zabaleta (West Ham)

 

 

Daafaca midgeed ee Kooxda West Ham Pablo Zabaleta ayaa si bilaasha ah kaga soo tagay Kooxda Manchester City bilowgii ololahaan, xilli muuqaal fiican uu kulahaa Ciyaartii ay 2-0ta kaga adkaadeen dhigooda Watford.

 

Image result for Virgil van Dijk

 

Daafaca – Virgil van Dijk (Liverpool)

 

Ma aysan ahayn mid u sahlan suurtagalnimada in Virgil van Dijk la maqlo in uu ku biiro Kooxda Liverpool oo la ogson yahay in qiimo waali ah ay ku kansashay hishiiskiisa Kooxda Saints, balse xalay bandhig fiican ka sameeyay dheeshi u dhacaysay labada Koox.

 

Image result for Jan Vertonghen

 

Daafaca – Jan Vertonghen (Tottenham)

 

Ma uusan ciyaarin rafiiqiisa Toby Alderweireld, hase yeeshee Jan Vertonghen ayaa si aad ah u Ciyaaray kulankii Arsenal.

 

Weerarka waalida ee Kooxda Gunners ayaan awoodin in ay daafaan Cayaariyahan Vertonghen, kaas oo bandhig fiican sameeyay Kulankii North London Derby.

 

Image result for Jose Izquierdo

 

Ciyaaryahanka khadka dhexe – Jose Izquierdo (Brighton)

 

Cayaariyahan Jose Izquierdo ayaa gaaray shabaqa daqiiqadii 32-ad, kaddib baas ka yimid Cayaariyahan Dale Stephens kulankii Stoke City, xilli shaqo wacan uu ka qabtay Khadka dhexe ee Kooxdiisa.

 

 

Image result for Gylfi Sigurdsson

 

 

Gylfi Sigurdsson (Everton)

 

Inkastoo uusan qayb ka ahayn safka kowaad ee Kooxda Everton, hadana Cayaariyahan Sigurdsson ayaa helay ruqsada Macalin Sam Allardyce, kaas oo shabaqa gaaray kulankii Crystal Palace Ciyaar ka dhacday garoonka Goodison Park, xilli lagu tiro in uu qayb ka yahay xiddigaha ugu fiican tartanka English Premier Leagur.

 

 

Image result for Kevin de Bruyne

 

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Kevin de Bruyne (Manchester City)

 

 

Saddex caawin uu sameeyay kulankii Leicester City, Cayaariyahan Kevin de Bruyne ayaa ka dhigaysa in uu noqdo boqorka Caawinta ee shanta horyaal ee ugu waa wayn qaarada Yurub, kaas oo ku lug yeeshay 14-caawin.

 

Image result for Marko Arnautovic

 

Ciyaaryahanka khadka dhexe – Marko Arnautovic (West Ham)

 

 

Waa Ciyaariyahan qiimo sare ku yimid Kooxda Bariga Magaalada London ka dhisan ee West Ham Marko Arnautovic, kaas oo gool cajiib ah ugu shubay Kooxda macalin Mark Hughes ee Watford, kaddib karoos ka yimid Cayaariyahan Aaron Cresswell.

 

Image result for Harry Kane

 

Weeraryahan – Harry Kane (Tottenham)

 

 

Ma jiro shaki in kiri kara tayada Cayaariyahan Harry Kane, kaas oo go,aamiyay goolkii guusha ee Kooxda Tottenham ay kaga badisay Kooxda deriskooda ee Arsenal.

 

Image result for Sergio Aguero

 

Weeraryahan – Sergio Aguero (Manchester City)

 

 

Aguero ayaa gool ku dhalinaayay garoonka Etihad Stadium toddobadii kulan ee lasoo dhaafay, taasoo ka dhigaysa markii ugu horaysay taariiqdiisa, tan iyo imaatnka Kooxdiisa 2011-kii.

 

 

Xiddiga reer Argentine ee Sergio Aguero ayaa Premier League ka dhaliyay goolkiisii 21-ad, kaas oo laba gool ka danbeeya gool dhaliyaha ugu sareeya Horyaalka ee Harry Kane.

 

Image result for Mohamed Salah

 

Weeraryahan – Mohamed Salah (Liverpool)

 

 

Salah ayaa xalay dhaliyay goolkiisii 29-ad guud ahaan tartamada oo dhan, halka uu Premier League ka dhaliyay goolkiisii 22-ad, ku darso Mo Salah ayaa caawiyay toddobo gool uu ku jiro kii xalay uu dhaliyay Cayaariyahan Roberto Firmino Ciyaartii ay ka adkaadeen Kooxda Southampton.

 

The post Kooxda Ugu fiican Toddobadkan Premier League, Kane, Salah, Aguero, de Bruyne iyo kuwa kale appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

Call to listen LIVE +16417938169