Kooxda Liverpool Oo Dooneysa Goolhayaha kooxda…..

Liverpool ayaa dooneysa saxiixa goolhayahaya kooxda kubadda cagta Barcelona ee  Jasper Cillessen.

Ciyaaryahanka u dhashay dalka Dutch ayaa ah goolhayha labaad waxaana uu inta badan eegaa xilliyada uu dhaawaca ku maqan yahay Marc-Andre ter Stegen.

Cillessen ayaa wali ah dooqa koowaad ee goolhayaha xulka qaranka Netherland.

Balse  28-sano-jirkan ayaa kaliya kooxda kasoo muuqdo kulamadii Copa del Rey labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay.

Sida ay baahisay Majalada  Mundo Deportivo, Liverpool, Napoli iyo Atletico Madrid ayaa dhamaantood ugaarsanaya Cillessen, kaas oo heshiiskiisa Nou Camp uu ku egyahay tsanad-ka 2021.

 

The post Kooxda Liverpool Oo Dooneysa Goolhayaha kooxda….. appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

Call to listen LIVE +16417938169