Khabiirada Sky Sports Oo Saadaal Ka Bixiyay Kulanka Finalka Champions League Ee Caawa Dhexmaraya Juventus & Real Madrid

Afarta khabiir ee barnaamijka Soccer Saturday ee ka baxa Sky Sports ayaa saadaalin ka bixiyay kulanka finalka Champions League.

Kooxda difaacaneysa koobka ee Real Madrid ayaa loo arkaa inay tahay kooxda ugu cadcad iyagoo raadinaya inay noqdaan kooxdii ugu horeysay ee difaacata koobka Champions League waqtigaan casriga ah.

Juventus ayaa rikoor lix jeer ah laga badiyay ciyaaraha kama danbeysta ee koobka kooxaha horyaalada Yurub, laakiin kooxda Max Allegri ayaa isha ku heysa inay seddexda koob ee taariikhiga ah isku qaada ka dib markii ay bishii la soo dhaafay ku guuleysteen horyaalka Serie A iyo Coppa Italia.

Xiddigii u ciyaari jiray xulka Scotland iyo Arsenal Charlie Nicholas ayaa saadaaliyay in Juventus ay 2-1 kaga badin doonto kooxda Real Madrid islamarkaana ay hanan doonto koobkoodii seddexaad ee Champions League.

Waxaa saadaasha natiijadaas ku raacay daaficii Liverpool Phil Thompson kaasoo isna saadaaliyay in Juve ay 2-1 ku garaaci doonto kooxda Los Blancos caawa.

Ciyaaryahankii Arsenal Paul Merson ayaa saadaaliyay in Real Madrid ay hanan doonto koobkeedii 12aad ee Champions League isagoo saadaaliyay in Los Blancos ay 3-2 kaga badin doonto kooxda Talyaaniga ee Juventus.

Xiddigii Southampton Matt Le Tissier ayaa isna saadaaliyay in Juventus ay hanan doonto Champions League caawa, waxaana uu saadaaliyay in 2-1 ay Bianconeri kaga badin doonto Los Blancos.

Seddex ka mid ah khabiirada barnaamijka Soccer Saturday waxa ay saadaaliyeen in Juventus ay 2-1 ku badin doonto, halka Paul Merson kaligiis uu saadaaliyay inay Real Madrid badin doonto kulanka caawa.

 

Call to listen LIVE +16417938169