Jean Michel Aulas oo albaabada u furay Kooxaha Manchester United, Arsenal iyo Atletico Madrid si ay,,,,

Madaxweynaha kooxda Olympique Lyonnais Jean Michel Aulas ayaa si cad ugu sheegay in Kooxaha doonaya adeega kalyantigiisa Alexandre Lacazette uu ka iibin doono.

 

Hogaamiyaha Kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa todobaadkii la soo dhaafay kulan la qaatay Madaxwayne Aulas, xilli uu u sheegay in ay jiraan wadahadalo sido kale uu la yeeshay Kooxda reer Spain ee Atletico Madrid, kaasi oo ku aadan saxiixa Cayaariyahan Lacazette.

 

Sida ay ku waramayso Shabakada Goal.com’ Kooxaha Manchester United, Arsenal iyo Atletico Madrid ayaa qayb ka ah saxiixa Weeriryahanka Kooxda Lyon Alexandre Lacazette, kaas oo dareen xoogan ku abuuray qaar ka mid ah Kooxaha qaarada Yurub kaddib markii uu sheegay in uusan qayb ka noqon doonin Kooxda Lyon.

 

Waxa uu yiri: “Waxaan xiriir la leedahay dadkii isaga talo iyo waxaan leenahay a kooxo yar oo naga soo wac waqti ka waqti.
“Waxaan eegi doonaa suurto galnimada halka uu ku danbayn doono mustaqbalka Cayaariyahan Alexandre.

 

”Dabcan waxaa nala soo xiriiray Kooxo ay ka mid yihiin Atletico oo wahadalo naga dalbatay, si la mid ah Arsenal iyo United waxay qayb ka yihiin naadiyada raba adeegiisa.

 

Si kastaba ha ahaatee Madaxweynaha kooxda Olympique Lyonnais Jean Michel Aulas ayaa ku sheegay kaliya in hishiiskiisa lagu nasaqi doono Cayaariyahan Alexandre Lacazette aduun dhan 60-million oo ginni.

 

Arsenal are looking at Lyon's Alexandre Lacazette alongside a host of other top sidesArsene Wenger is bringing in fitness guru Darren Burgess

Source: Sports

Call to listen LIVE +16417938169