Isco oo ku dhaw inuu heshiis u saxiixo kooxdiisa Real Madrid

Laacibka  Khadka dhexe ee Kooxda Real Madrid Isco ayaa shaaciyay ka qaaday   inuu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa Real Madrid taa oo u muuqata inay soo afjari doonto rajada suuro galinimada inuu u dhaqaaqo Premier League.

Isco oo caawin aa innaba caadi ahayn sameeyay kulankii uu xulkiisa 2-1 uga adkaaday Macedonia ayaa sheegay inuu doonayo inuu kooxda sii joogo wuxuuna sheegay in horumar laga sameeyay wada hadalada uu heshiiska ku kordhinayo.

“Horey ayaan u iri  waxaan ku dhownahay heshiis cusub,” Isco ayaa sidaa u sheegay Teledeporte.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay Madrid waxaana rajeynayaa inaan halkaa sii joogo sanado badan.

 

Source: Sports

Call to listen LIVE +16417938169