Hormuud Telecom Foundation oo Deeq Lacageed Gaarsiisay Qaar Kamid ah Dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxii Soobe

Hay’adda Hormuud Telecom Foundation ayaa deeq lacageed oo gargaar ah gaarsiisay bukaanada ku jira cisbitaalada Madiina iyo Recep Tayyib Erdogan (Ex Digfer) ee ku soo dhaawacmay qaraxii Soobe.

Hay’adda Hormuud T. Foundation oo ah hay’ad samafal ah oo hoos timaada shirkadda isgaarsiinta Hormuud ayaa 50,000 oo doolar ku qeybisay bukaanadii jiifay labada cisbitaal.

Cabdiraxmaan Ibraahim Cilmi Ookiyaale oo ka tirsan madaxda Hormuud T. Foundation ayaa tilmaamay in talaabadan ay tahay mid ay shirkadda Hormuud ku gudaneyso mid kamid ah waajibaadka ka saaran bulshada, waxuuna intaa kusii daray in bukaan walba oo cisbitaalka jiifa oo qaraxii Soobe ku soo dhaawacmay lasiin doono $100.

“Hormuud Foundation sida caadada ah waxey kamid tahay bulshada. Maanta waxaan garanay in aan cisbitaalka imaano, waxaan garanay in aan gurmad u fidino bukaanada cisbitaalka jooga gaar ahaan gurmad lacageed” Shir jaraaid oo ay wada qabteen Hormuud Foundation iyo maamulka cisbitaalka Madiina ayuu hadalkaa ka yiri Cabdiraxmaan Ookiyaale

Shirka jaraaid kadib maamulka Hormuud Foundation waxey bilaabeen in ay sariirahooda ku boooqdaan bukaanada oo ay bukaan walba siiyaan $100, waxeyna wadarta guud ee lacagta ay ka qeybiyeen labada cisbitaal ay noqoneysaa $50,000.

 

Goobjoog Business

Source: Business

Call to listen LIVE +16417938169