Higuain oo ka xumaaday Rigoorradii uu ka qasaariyay Kooxdiisa

Weeriryahanka Kooxda Juventus Gonzalo Higuain ayaa raali gelin ka bixiyay Rigoorradii uu ka qasaariyay Kooxdiisa, kaddib dheeshii xalay ee u dhaxaysay Kooxaha Juventus iyo Tottenham Hotspur.

Xiddiga heerka Caalami ee Wadanka Argentina ee Higuain ayaa xalay laba jeer shabaqa gaaray, halka uu qasaariyay gool kulaad, ka hor inta aan la aadin qaybta nasashada.

Cayaariyahan Gonzalo Higuain ayaa yiri,” waxaan u qalannay inaan badino, balse waxaa dhacay wixii noo qornaa.

”Hadafkayga wuxuu ahaa inaan dhaliyo goolkulaadka, nasiib daro ma jeclayn inaan arko wixi aan sameeyay,”ayuu u sheegay Tuttosport, kaddib dhamaadkii dheesha.

Si kastaba ha ahaatee’ Kooxda kasoo jeeda Waqoyiga Magaalada London ee Spurs ayaa bar baro 2 – 2 kala soo hoyatay Kooxda kasoo jeeda Magaalada Torin ee Bionconeri oo xagaagii hore gaartay fiinaalaha tartankan.

 

Tottenham's comeback at Juventus capped off a fine night for Mauricio Pochettino's side

The post Higuain oo ka xumaaday Rigoorradii uu ka qasaariyay Kooxdiisa appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

Call to listen LIVE +16417938169