Hawada Soomaaliya oo halaq mareen noqotey

Waxaa socdey dadaalo lagu ogaanayo tirada diyaaradeed ee isticmaala hawada Soomaaliya. Dowlada Soomaaliya tira ahaan ma oga hawada Soomaaliya waxa isticmaala, tira khaldan ayey warbaahinada ka sheegaan mar walba oo ah meel ka dhac aad iyo aad u weyn iyagoon ka fiirsan, waana tirooyin khaldan oo ay UN iyo ICAO ku akhriso dowlada!

Warbixino is daba joog ah ayaanu soo daabici doonaa kuwaa oo dhammaantood la xidhiidha hawada Soomaaliya, lana xaqiijiyey tix-raacooda, laguna soo daabici doono report dhameystiran, haatan se, waa hordhac goos-goos ah.

Warbixinta maanta:  Ethiopian airlines

Maanta warbixinteena hordhaca ah waxaanu ku soo qaadaneenaa shirkada diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ee laga leeyahey dalka aynu jaarka nahey ee itoobiya.

Diyaarada Ethiopian Airlines ayaanu ku sameenay daba-gal laba asbuuc qaatey oo aanu ku ogaaneenay inta jeer ay hawada Soomaaliya marto iyo meelaha ama wadamada ay u kala gooshto kolka ay hawada Soomaaliya dul-mareyso.

Tiradan ayaanu soo ogaaney:  1,016 goor bishii, waa inta jeer ay Ethiopian Airlines isticmaasho hawada Soomaaliya bishii

Wadamada ay tagto kolka ay dul-mareyso hawada Soomaaliya:  10 waddan

Inta caasimadood ay tagto kolka ay dul-mareyso hawada Soomaaliya: 14 caasimadood

 

La so soco warbixinta kale ee goos-gooska ah oo aanu ku soo qaadan doono diyaarada Qatar Airways

Tix-raac Xaquuqda waa iska leh: Somali Aviation, www.somaliaviation.com

 

 

 

Call to listen LIVE +16417938169