Gabar saaxiibkeed ku qalqaalisay in uu is dilo oo la maxkamadeynayo

Michelle Carter oo 20 sano jir ah ayaa maxkamad la soo taagay dalka Mareykanka iyada oo ku eedeysan in saaxiibkeed ku qalqaalisay in uu is dilo, waxaana la sheegay in uu falkaasi dhacay saddex sano ka hor.

Gabadhan oo maxkamada ka soo hor muuqatay ayaaa waxaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta doorkii ay ku laheyd dilkii uu is dilay Conrad Roy III

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in Michelle Carter ay ku boorisay Roy oo 18 sano jir ahaa in uu is dilo, taasoo sababtay markii danbe Conrad Roy in uu nafta is dhaafiyo.

Michelle Carter ayaa ka codsatay garsooraha in uu go’aan kama danbeys ah ka gaaro kiiska, halkii loo saari lahaa guddi.

Waxaa la sheegay in ay u qortay fariin ahayd ”Waa in aad samaysaa”, iyadoo ula jeeday, waa in aad is dishaa, sidaas waxa lagu soo bandhigay dokumeentiyo la hor geeyey maxkamada Bristol.

 

” Diyaar ayaad tahay, waxa keliya ee aad u baahantahay waa in aad daartaa Matoorka, kadibna waxaad ahaanaysaa qof xor ah oo farxad ku noolaada’ ayeey u sii raacisay fariinta ay u dirtay Conrad Roy oo waqtigaa ay siweyn ugu qalqaalisay in uu naftiisa gooyo.

Fariin kale oo ay qortay ayaa la sheegay in ay ku tiri ” Ugu dambaytii waxaad noqon doontaa qof farxad ku noolada jannada dhaxdeeda.

‘’Xanuun dambe ma dareemi doontid. Waa arrin caadi ah in qofku uu boqo, sababtoo ah waxaad ku dhawdahay in aad dhimato’’

Fariimahan ayaa dhamaantood muujinaya in uu mararka qaar dib isku qabtay oo uu ka cabsaday in uu is dilo.

Gabdhaha la dhashay ayuu u iibiyey Jalaato isaga oo la kafatamyey, wuxuuna kala hadlay qorshihiisa mustaqbalka oo ay ka mid ahayd in uu doonayay in uu sii wato waxbarashadiisa.

Call to listen LIVE +16417938169