Feysal Xasan Xaashi Oo Hogaanka U Dhiibay Kooxda Dekedda Xili Uu Kooxdiise Hore Jeenyo Labo Gool Ka Dhaliyay.

Kooxda Dekedda ayaa guul dahabi ah ka gaartay naadiga Jeenyo kadib markii ay 2-0 ugu awood sheegatay,kulan qeyb ka ahaa Horyaalka Somali Premier League.

Qeybtii hore ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-0 walow  labada kooxod ay soo bandhigeyn kubad aad  ay ugu riyaaqeyn taageeryashii u soo daawasho tagay ciyaartan.

Markii dib la isku soo laabtay qeybtii dambi ciyaarta kooxda Dekedda ayaa dar dar xoogan garoonka ku soo gashay iyado ay maanka ku heeso iney hogaanka Horyaalka qabato.

Ciyaarto wax yar socoto waxaa shabaqada Jeenyo soo taabtay Feysal Xasan Xaashi oo waqti fiican ku soo qaatay kooxda Jeenyo kulan ayuu ka dhigay 1-0 ay ku horkaceyso Naadiga Dekedda.

Dekedda ayaa weeraro kala duwan ku qaadeysay kooxda jeenyo si ay u xaqiijiso saddex dhibcood balse ciyaarto dhamaad ah waxaa mar kale shabaqada soo taabtay Feysal Xasan Xaashi isago wax dabaal dag ah uusan ku sameyn kooxdiise hore si uu u muujiyo xushmada  uu u haayo kooxdiise hore ee Jeenyo.

Feysal ayaa wax dabaal dag ah uusan ku sameyn kooxdiise hore Jeenyo isago gacmaha kor u taagay waana mid kamid calaamoyinka lagu garto xushmada.

Jeenyo ayaa waxaa Roose Laga siiyay xidigeeda Cabdiraxmaan Kanu

Si kastaba Dekedda ayaa 2-0 ku badisay xili ay hogaanka ay qabatay.

 

 

The post Feysal Xasan Xaashi Oo Hogaanka U Dhiibay Kooxda Dekedda Xili Uu Kooxdiise Hore Jeenyo Labo Gool Ka Dhaliyay. appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

Call to listen LIVE +16417938169