Eden Hazard oo raba in uu u jihaysto Madrid iyo Chelsea oo Lacago waali ah ku yaboohaysa

Eden Hazard ayaa hakad geliyay wadahadaladii u dhexeeyay Maamulka Kooxdiisa, kaddib markii ay mesha soo gashay Kooxda boqorada Cad-cadka ee Real Madrid.

Kooxda Xafidanaysa Horyaalka English Premier League ee Blues ayaa qiimo dhan £ 300,000-kun oo gini todobaadkii ku yaboohi doonta adeega Cayaariyahan Hazard, sida laga soo xigtay wargeysyada.

Xiddiga heerka Caalami ee Wadanka Belgium Eden Hazard ayaa dhawaan ka dalbadan maamulka Kooxda Conte in uu wadahadalo la furto si uu u saxiixo qandaraas cusub, kaas oo toddobaadkiiba ku kacaaya aduun dhan £ 300,000-kun oo gini.

Si kastaba ha ahaatee’ Hazard oo 26-sanno jir ah ayaa dhawaan sheegay in uu ku faraxsan yahay nolosha garoonka Stamford Bridge, xilli uu heystaa laba sano iyo bar hishiis ah, hase ahaatee ka baqdin qaba in uu u jihaysto caasimada Spain ee Madrid.

 

https://i2-prod.mirror.co.uk/incoming/article11626777.ece/ALTERNATES/s615b/

The post Eden Hazard oo raba in uu u jihaysto Madrid iyo Chelsea oo Lacago waali ah ku yaboohaysa appeared first on Goolasha.net.

Source: Sports

Call to listen LIVE +16417938169