Duubista Flimka Operation Somalia oo la shaaciyay xiliga ay bilaabanayso

Director ka  caanka ah  ahna Agaasimaha  Hollywood ka xaruunta ay ku leeyihiin dalka china  Renny Harlin ayaa saxiisax Mashruuc film cusub sadexda sano ee soo socota lagu samayn doono  dalka somalia

Mashruucaan oo ay iska kaashanayaan shirkadaha Shanghai International Film Festival,Mythological Universe, Mailang Pictures and Jindun Film & Television Center iyo wasaaradda Amniga ayaa loogu magac daray Operation Somalia .

flimkaan la magacbaxay Operation Somalia  ayaa duubistiisu waxa ay bilaabmaysaa April 2018 iyadoo ay ku bixi doonto lacag dhan  RMB200 million ($30 million)

sheekada flim ka oo ah mid run ah oo loogu soo bandhigi doono boobka qayraadka dabiiciga ah ee soomaaliya burcad badeeda iyo howlgalka ciidamada china ee xeebaha soomaaliya ayaa la shaaciyay in muuqaalada ugu horeeya ee bisha Abril 2018 ka laga bilaabi doono China iyo Australia

soosaaraha flim kani oo ah Zhiyuan Zhang ayaa sheeay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu kala qaybqaato Renny Harlin flimka Operation Somalia 

dhankale Renny Harlin  oo ah flim sameeyihii  Die Hard 2 and Cliffhanger  ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay in uu sameeyo flim noocaan ah isagoo sheegay in qisada flim kani ay tahay mid xaqiiqo ah jilayaasha flim kuna ay wajihi doonaan xaalad ah nolol dhab ah iyadoo flimkani dhulka iyo cirkuba lagu samayndoono.

Maxamed C/waaxid

jazeera fm

Call to listen LIVE +16417938169