Dowladda UK oo Kor U Qaadeysa Kaalmada Ay Siiso Soomaaliya

Dowladda UK ayaa ballan qaaday in ay sare u qaadeyso kaalmada iyo gargaarada ay siiso dalalka Soomaaliya iyo Ethiopia oo labadii sano ee ugu dambeysay ay ku dhufatay abaar baahsan.

Wasiirka Hormarinta UK, Priti Patel ayaa ballan qaaday dadaal cusub oo dheeri ah oo wadajir ah oo looga hortagayo in malaayiin qof ay u dhintaan gaajo iyo cuduro.

Wasiiradda oo ahayd qofkii ugu horreeyay ee booqda Afrika doorshadi guud kadib ayaa ammaantay sida hoggaanka UK u badbaadiyo nolosha dad badan oo soo food saartay halista gaajada.

Waxaa ay caddeysay in UK ay sii wadi doonto dadaalada, iyadoo ku dhawaaqday 90 milyan oo gini oo ah taageerada aadka loogu baahan yahay taasi oo caawin doonta in ka badan 2 milya oo qof oo ku nool Soomaaliya iyo Itoobiya oo u baahan biyo nadiif ah, cunto, iyo caafimaadka deg deg ah. Deeqda lacagaha waxay isagu jiraan 60 milyan (oo gani) oo loogu tala galay Soomaaliya iyo 30 milyan oo loo qoondeeyay Itoobiya. 

Xoghayaha Horumarinta Caalamiga ah Priti Patel ayaa waxay tiri:

“Dowladda Britain waxay horseed u tahay bixinta adeegyo halbowle u ah nolosha malaayin qof oo ku nool Soomaaliya iyo itoobiya kuwaas oo halis ugu jira macluul iyadoo laga cabsi qabo in abaartu isu bedesho musiibo.

“Waxan soo arkay gargaark UK ay bixiso oo ah badbaadinta iyo bedelidda nolosha. Tani waxay keentaa xasilinta wadamada aduunka ugu nugul taasi oo fursad u ah dadka nugul si ay u dhisaan noloshooda sidaas daraadeedna loo sugo ammaanka UK.”

“UK ayaa kor u qaaday taageerada isla markaana u ololeysay in bahwadaagta kalena ay taageero bixiyaan taas oo ka hortagtay faafidda abaarta. Waxaan muujinaya hogaankanaga  inagoo bixinayna cunto dheeri ah, biyo dheeraad ah iyo daawo badan oo loogu tala galay kuwa halista ugu jira inay u dhintaan abaarta iyo colaadda.”

“Dunidu waa inay nagu dayato isla markaana an tallaabo qaadno si aan u cirib tirno dhibaatooyinka bani’aadamnimada oo halis  galiya xasiloonida caalamka isla markaana aan dardar galino horumarka nabadda iyo ammaanka- taas oo dan u ah cid kasta”

War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska hormarinta caalamiga ah ee UK ayaa lagu sheegay in £60-ka milyan ee Soomaaliya loogu tiro galay ay keeni doonto in:

  • 350,000 qof cunto degdeg ah ay helaan
  • In kabadan 1-milyan oo qof ay helaan biyo nadiif ah iyo fayadhowr
  • Gabbaad ay helaan 100,000 oo qof
  • La-talaalo 2 million oo xoolo ah
  • 20,000 oo haween  ah laga ilaaliyo xad-gudubyada ka dhanka ah hawenka

 

Goobjoog Business

Source: Business

Call to listen LIVE +16417938169