Dowladaha & Hay’adaha Si Ficil ah Uga Falceliyay Qaraxii Soobe ee Galaaftay Nolosha Ku Dhawaad 300

Kadib qaraxii 14-kii October ka dhacay isgoyska Soobe ee galaaftay nolosha ku dhawaad 300 oo qof ayaa waxaa isasoo taraya gurmad iyo falcelinta ay bixinayaan dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah.

Waxaa jiro dowlado tiro badan oo cambaareeyay dadka tirada badan ee Soobe lagu laayay, halka dowladaha qaarna ay cambaareyn iyo ficil isugu dareen.

Hadaba Goobjoog Business waxaa ay u kuurgashay gargaarada iyo kaalmada ka imaanaya dowladaha caalamka ee ay ugu soo gurmanayaan dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxii Sabtidii ka dhacay Muqdisho.

Turkey

turkiga

Dalka Turkiga ayaa noqday dalkii ugu horreeyay ee si ficil ah uga fal-celiya musiibadii Muqdisho ka dhacday. Sidoo kalena waxuu noqday dalka kaalmadiisa ay ugu badantahay.

Dowladda Turkiga waxey isniintii dalkeeda u qaaday 35 qof oo dhaawac halis ah qaba oo ku dhaawacmay qaraxii, waxaa kale oo dowladda Turkiga ay Soomaaliya soo gaarsiisay 35 tan oo daawo ah oo lagula tacaalayo dhaawacyada ku jira cisbitaalada Muqdisho. Waxaana dawooyinkaas keenay wafti uu la socday Wasiirka Caafimaadka Turkiga, waxaana dalka ku haray 33 shaqaale caafimaad oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Turkiga oo la socday Wasiirka Caafimaadka Ahmet Demirkan.

Sidoo kale war qoraal ah oo kasoo baxay Safaradda Turkiga ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in calanka Turkiga hoos loo dhigi doono safaaradda iyo xarumaha kale ee Turkiga ee ku yaalla Soomaaliya muddo sadex maalin oo ay murugada kula qeyb sanayaan walaalahood Soomaaliyeed.

Jabuuti

Dowladda Jabuuti ayaa dhankeeda ka qeyb qaadatay gurmadka loogu gargaarayo dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxii Soobe, iyadoo soodirtay 27 dhaqaatiir iyo xirfadleyaal caafimaad oo uu hogaaminayay Wasiirka Caafimaadka ee dalkaasi Jabuuti. Waxaa kale oo diyaaraddii siday dhaqaatiirta ay keentay dawo laba tan ah.

Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya, Amb Aadan Xasan Aadan oo VOASomali la hadlay ayaa sheegay in dowladda Jabuuti ay soo xushay dhaqaatiirtii ugu fiicneyd dalka Jabuuti, Safiirka ayaa intaasi kusii daray gargaarku aanu intaa kusii ekaan doonin oo haddii dhaqaatiirtu ay u baahdaan daawo dheeraad ah ay heli doonaan oo dalka Jabuuti laga keeni doono.

Dhaqaatiirtaas ayaa Muqdisho joogi doono illaa iyo baahida loo qabo ay ka dhamaato, waa sida uu safiirka hadalka u dhigaye.

Qatar

7

Dalka Qatar waxaa uu Muqdisho keenay diyaarad gaar ah oo sidday gargaar caafimaad isaga oo ka mid noqday dalalka si ficil ah uga jawaab celiyay qaraxii Sabtidii ka dhacay Muqdisho. Diyaaradd ayaa aheyd mid milateri waxaana laga dejinayo illaa 2 ton oo daawooyin iyo qalab caafimaad isugu jira.

Waxaa sidoo kale diyaaradan la socday dhaqaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad, oo ka qeyb qaadan doona howlaha gurmadka ee loo fidinayo dadka ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxii Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho.

USA

diyaarad

Dowladda Maraykanka ayaa iyadana diyaarad weyn kusoo qaadday gurmad dawo ah, waxaana lagu wareejiyey dowladda Federaalka ee Soomaaliya si loogula tacaalo dadka ay waxyeelada soo gaartay. Inkastoo madaxweyne Donald Trump uusan ka hadlin weerarkii lagu laayay shacabkii Soomaaliyeed hadane qoraal kasoo baxay Washington ayaa lagu cambaareeyay weerarkii ka dhacay waxaana dowladda Mareykanka ay ballan qaaday in ay sii wadi doonto taaageerada ay siineyso dowladda Soomaaliya.

Kenya

kenya

Sidoo kale dowladda Kenya ayaa maanta labo dayaaradood oo ay soo dirtay soo gaaray garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana labada diyaaradoodba ay sideen qalab caafimaad iyo dawooyin loogu talogalay in lagula tacaalo dadkii ku waxyeeloobay weerarkii ay ku dhinteen in ka badan 300 qof.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkaas, waxuuna sheegay inuu aad uga naxay qaraxaas. Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya Aamina Maxamed ayaa sidoo kale kamid ah madaxdii Kenyaanka aheyd ee cambaareysay weerarkii Sabtidii.

WHO

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa sidoo kale Muqdisho soo gaarsiisay sadex tan oo daawo iyo qalab caafimaad ah, waxaan dawooyinkaasi ay hay’addu sheegtay in lagula tacaalayo bukaanada ku jira cisbitaalada Muqdisho ee ku waxyeeloobay weerarkii sabtidii.

Source: Business

Call to listen LIVE +16417938169