(Dhagayso) Wasiir Cabdirashiid oo Ka Warbixiyay Waxqabadka Wasaaradda Maaliyada Jubbaland.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Jubbaland Mudane Cabdirashiid Jirre Qalinle oo haatan safar shaqo kujooga magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa ka warbixiyay shaqada Guud ee wasaaradda iyo waxqabadkeeda
wasiirka oo si guud uga sharaxay waxqabadka wasaaradda dhowrkiii sano ee ugu danbeysay ayaa sheegay in wasaaraddu ay ku tilaabsatay guulo waaweyn
wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri waxaan soo iibsanay system caalami ah oo electronic ah kaasoo hada ay wasaaradu ku shaqayso
sidoo kale wasaaradda ayaa tayeen ku samaysay shaqaalaha wasaaradda iyadoo soo xulatay shaqaalo aqoon fiican u leh maaliyada.
wasaaradda ayaa sanad walbo samaysa xisaab xirka xiligii loo baahnaa
wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in wasaaradu ay abuurto daqli islamarkaana ay ka shaqayso horumarka dalka bixinta mushaaraadka wasiirada,gollaha baarlamaanka iyo shaqaalaha dowlada islamarkaan ka qayb qaadato dhismaha wadooyinka iyo schoolada

ugu danbeyntii ayuu wasiirku sheegay inay wasaaradu ay ku howlantahay sidii loo tayayn lahaa shaqaalaha wasaaraddaha dowld goboleed ka jubbaland iyadoo siminaro iyo tababaro u qabato shaqaalaha dowlada dalka gudahiisa iyadoo kuwa kalana tababaro ugu dirta dalka dibadiisa
wasiirka oo ka warbixinaya waxqabadka wasaaradda ka dhagayso hoos

Call to listen LIVE +16417938169