Deg Deg: Elman oo ku dhawaaqday Macalin Cusub

Kooxda Kubada Cagta ee Elman ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in Macalin C/raxmaan Macalin Axmed Macalin Taree uu yahay Hogaamiyaheeda, xigga ee Kooxda, kaddib markii uu dhawaan iska casilay Macalin Cabdi Joon.

Macalin Taree ayaa dhawaan laga cayriyay shaqada Kooxda Gaadiidka, kaddib markii ay wajahday hoos u dhac aad u xoogan, marka loo fiiriyo kulamadii kala duwanaa ee Kooxda.

Kooxda Jaalayaasha ee Elman ayaa hada ku jirta boosha Shanaad ee kala saraynta Horyaalka Somali Premier League, xilli ay Ciyaartay 13-kulan iyadoo uruursatay 16-dhibcood.

Si kastaba ha ahaatee’ Macalin C/raxmaan Macalin Axmed Macalin Taree ayaa Kooxda Banaadir ku hogaamiyay Horyaalkii bilaa guuldaro la,aan ee 2014-kii, xilli haatan laga sugaayo in Kooxdiisa Cusub uu ku hogaamin doono Natiijo Wanaagsan.

 

Image result for Macalin Taree

The post Deg Deg: Elman oo ku dhawaaqday Macalin Cusub appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

Call to listen LIVE +16417938169