De Bruyne oo ku maadaystay Pogba

Xidiga  ugu wanaagsan xili ciyaareedkan  kooxda Manchester city ee De Bruyne ayaa si kaftan ah ugu hadlay maqnaashiyaha xidiga kooxda Manchester united ee  Pogba,  ka hor kulanka labada koox ay isku fara saari doonaan kulamada 16-aad ee horyaalka Premier League .

 

De Bruyne  oo marti ku ahaa barnaamij ka baxayey Tv ayaa sheegay in uusan ka faraxsaneen maqnaashiyaha xidiga  iyo in uusan ka soo muuqan doonin kulanka ku qabsoomi doono garoonka Old traford .

 

Laakin  De Bruyne  ayaa qirtay in uu yahay xidig awood badan xidiga reer France  dhibaatana ay kala kulmi kareen hadii uu xaadir ku ahaan lahaa kalcada ay ku ciyaarto kooxda shayaadinnta gadgaduudan.

 

KEVIN DE BRUYNE oo la weydiiyey maqnaashiyaha pogba ayaa ku jawabay iyo in ay dhibaato kala kulmayaan :

 

: “ ma aaminsani midaas, Ma ahan mid si joogta kuu weerarayo  . hadii uu jiro qof sidaa aaminsaa waa yeelkadii  ,balse qof walbo waxa uu lee yahay aragti ugooni ah

 

“ waxba igama galalin arinkiisa kamana fakerayo   xaalad walba haku sugnaado, madoonayo in aan shaqsi dhaawaco, waa tartan adag waxaa iska horimaanya labo kooxda oo wanaagsan oo hadana heysta ciyaartoy wanaagsan.

 

“ waa xidig aan la helin Karin, Waxaan ka garanayaa wax yar,  runtii waa cajiib  , lkn waxa uu qaatay kaar cas ayuu hadalkiisa ku soo xiray xidiga reer Bilgium oo si kaftan ah ugu hadlay arinka xidiga reer Farnce ee Pogba.

 

CM – Kevin De BruynePaul Pogba

The post De Bruyne oo ku maadaystay Pogba appeared first on Goolasha.net.

Source: Sports

Call to listen LIVE +16417938169