Dadka Reer Muqdisho oo Soo Dhaweeyay Soo Noqoshada Internet-ka Ee Koofurta & Bartamaha Soomaaliya

24’kii June ayey aheyd markii internet-ka Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya uu si lama filaan ah u go’ay kadib markii markab uu jaray fiilada internet-ka (fiber optic cable-ka) keenta Koofurta Soomaaliya.

Ku dhawaad muddo bil ah ayuu internetka maqnaa, shalay oo aheyd 17’ka June ayuu markale dib u soo laabtay ineternetka iyada oo Wasaaradda Boostada ay sheegtay in lagu guuleysto in dib loo xero cable-kii go’ay.

Soomaalida daafaha caalamka ku kala nool ayaa arrintan soo dhaweeyay, iyada oo baraha bulshada lagu arkayay dad badan oo ku farxay soo noqoshada internet-ka.

Goobjoog Business ayaa u kuurgashay dareenka dadweynaha Muqdisho ee ku aadan soo noqoshada adeegga internet-ka.

Cabdirashiid Maxamed oo kamid ah sarifleyaasha ka shaqeeya magaalada Muqdisho oo dareenkiisa cabiraya ayaa yiri “Waan soo dhaweynayaa internet-ka magaalada Muqdisho, waayo waan ku xerneyn. Wax badan ayaan kala soconay oo rate-ka lacagaha qalaad ayaan ka fiirin jirnay, maalmahii uu maqnaa Dubia iyo meelo kale ayaan wici jirnay oo nalooga soo sheegi jiray”

Maxamuud Cismaan Abuukar oo kamid ah ganacsatada ayaa isagana Goobjoog Business u sheegay in internet-ka uu wax badan ku xeranyahay oo bulshada qeybaheeda kala duwan uu saameeyay balse hadda soo noqoshadiisa ay tahay wax lagu farxo.

“inta internet-ka uu maqnaa waxyaalo badan ayaa isku xermay haddii ay noqon laheyd dhanka badeecooyinka, ganacsiga iyo arrimaha kale bulshada aad ayaan dhammaanteen ugu faraxsanahay in internet-ka uu soo laabtay” ayuu yiri Maxamuud Cismaan.

Dhanka kale baraha bulshada ayaa si weyn looga dareemayaa soo laabashada inetnetka, hadaba waa kuwan qaar kamid ah qoraalo ay Soomaalida kusoo qoreen baraha bulshada oo ku saabsan soo laabashada internet-ka.

Goobjoog Business

Source: Business

Call to listen LIVE +16417938169