Ciidamada Somaliland oo Suuqa Ka Saaray Dhar & Kabo La Keenay Suuqayda Hargeysa

Maalmahii ugu dambeeyay waxaa isasoo tarayay warar ay isla dhex marayeen shacabka reer Somaliland oo ku aadan in suuqyada magaalada Hargeysa la keenay kabo ay qeybta hoose ugu qorantahay ‘Allah’.

Arrintan ayaa abuurtay walwal badan waxaana dadka dukaameysanaya ay iska fiirinayeen kabaha ay iibsanayaan.

Wasaaradda Diinta & Awqaafta Somaliland ayaa guddi u xilsaartay arrintaas, waxaana suuqyada Hargeysa laga soo aruuriyay kabahaas iyada oo ganacsatadii keentayna xabsiga loo taxaabay.

Maanta:

Wixii dhacdadaas ka dambeeyay qaar kamid ah ciidamada Somaliland iyo guddi ay magacaawday Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ayaa loo xilsaaray in ay kor meeraan badeecooyinka suuqa la keeno ee wax u dhimeysa diinteenna suuban ee Islaamka.

Ciidanka iyo gudiga ayaa maanta soo qabtay dhar funaanado u badan oo ay ku qoranytahay calaamadda kirishtanka, waxaana xusid mudan in dharkaas iyo ganacsatadii keentayba xabsiga loo taxaabay.

Maamulka Somaliland ayaa wada howlgalo lagu xaqiijinayo in dharka iyo badeecooyinka suuqa yaalla ay yihiin kuwa bad qaba oo aan dhibaato diimeed laheyn.

 

Goobjoog Business

 

Source: Business

Call to listen LIVE +16417938169