Borussia Dortmund Oo Canaan kala dul dhaceyn Maamulaha kooxda Chelsea Roman Abramovich, Maxey Tahay Sababta?

Maamulaha guud ee Borussia Dortmund Hans-Joachim Watzke ayaa shaaca ka qaaday in milkiilaha Chelsea Roman Abramovich uu sabab u ahaa sababta aysan kooxda u awoodin inay la saxiixato Michy Batshuayi.

Weeraryahanka heerka caalami ee dalka Belgium ayaa heshiis amaah ah ugu saxiixay kooxda Bundesliga ilaa iyo dhamaadka xilli ciyaareedka marka uu furmo suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Inkastoo xaqiiqda ah in Batshuayi uusan jecleyn tababaraha Antonio Conte, wuxuu sheegay in seddexda kulan ee Premier League uu ku soo bilowday xilli ciyaareedkan, Abramovich ayaa iska diiday inuu iska iibiyo.

Watzke ayaa yiri: “Waxaan isku daynay sida ugu wanaagsan ee aan u heleyno Michy Batshuayi, laakiin ma aysan aheyn Chelsea.” Marka Roman Abramovich sheego maya, waa maya. ”

Wararka ayaa sheegaya in Dortmund ay isku dayi doonto inay weeraryahankeeda ku iibiso heshiis joogto ah xagaaga.

23 jirkaan ayaa saameyn degdeg ah sameeyay, isagoo dhaliyay seddex gool isla markaana abuuray hal caawiye labo kulan oo horyaalka ah.

The post Borussia Dortmund Oo Canaan kala dul dhaceyn Maamulaha kooxda Chelsea Roman Abramovich, Maxey Tahay Sababta? appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

Call to listen LIVE +16417938169