Banaanbax Ka Dhacay Magaalada Istambul Oo Saameyn Ku Yeeshay Ganacsiga Magaaladaas

Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa ka dhacay banaan bax ballaaran oo saameyn ku yeeshay suuqyada iyo ganacsiga dalkaas.

Kumanaan banaan baxayaal ah oo socod kasoo bilaabay magaalada Ankara ayaa socodkoodii kusoo gabogabeeyay magaalada Istanbul.

Dadkan banaan-baxayay ayaa ahaa taageerayaasha xisbiga mucaaradka waxa ayna dalbanayeen in lasoo daayo madax xisbigaa ka tirsan oo la xiray.

Suuqyada iyo dukaamada waaweyn ee dalka Istanbul ayaa badankood la xiray gaar ahaan kuwa u dhawaa goobaha uu banaan baxa ka dhacayay.

In kastoo banaan baxa uusan aheyn mid rabsho wata hadane ganacsatada waxa ay walwal ka qabeen in xaaladdu ay isbadasho.

Goobjoog Business

Source: Business

Call to listen LIVE +16417938169