Arsenal oo ay soo wajahday xaalad qatar ah

Kooxda Kubada Cagta ee Arsenal ayaa xaqiijisay in kalyantigeeda Lacazette uu soo gaaray dhaawac dhanka Jilibka.

Kooxda kasoo jeeda waqoyiga Magaalada London ee Gunner ayaa ka wal walsan xaalada Caafimaad ee Cayaariyahan Alexandre Lacazette, kaas oo ugu yaraan Lix isbuuc garoomada ka maqnaan doono.

Saraakiisha waaxda Caafimaadka ee Kooxda Arsenal ayaa xaqiijiyay Alex Lacazette uu dhaawac kasoo gaaray Jilibkiisa bidxeed subaxnimadii Talaadada.

“Waan ku dadaali doonaa isaga dhaawiciisa, waxaa laga yabaa afar ilaa iyo sedex isbuuc inay qaadato daawayntiisa.

“Isaga kama mid noqon doono safka Kooxdiisa in muddo ah, maxaa yeelay dhaawac ayaa kasoo gaaray Jilibka.

The post Arsenal oo ay soo wajahday xaalad qatar ah appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

Call to listen LIVE +16417938169