Ander Herrera oo niyada ka jebiyay Kooxda Real Madrid, kaasi oo ku aadan adeega David De Gea

Kubad sameeyaha dhexe ee Kooxda Manchester United Ander Herrera ayaa war baahinta gudaha England u sheegay in uu kalsooni ku qabo in David De Gea uusan ka tagi doonin garoonka Old Trafford.

 

Adeegii hore ee Kooxda Atletico de Madrid David De Gea ayaa lala xiriirinayaa Kooxda ugu guulaha badan tartamada Yurub ee Real Madrid, hase ahaatee diidmo qayaxan kala kulmay maamulka Kooxda United.

 

Los Blancos ayaa ku dhawaatay saxiixa Cayaariyahan De Gea sanad Ciyaareedkii 2014-kii, ka hor inta uusan u saxiixin Kooxda Shaydaamada Cas Cas ee Red Devils hishiis ilaa sanada 2019-ka.

 

”Zinedine Zidane waxa uu haystaa goolhaye Keylor Navas, runtii waxaan aaminsanahay in uusan halkaas aadi doonin.

 

”Wuxuu ii sheegay in uu jecelyahay in uu la midoobo qoyskiisa oo ku nool magaalada Madrid, balse mar walba waxa uu jecel yahay in uu halkaan taariiq fog ka sameeyo, sidii ay sameeyeen dadkii isaga ka horeeyay, ”ayuu u sheegay Herrera hilinka layska arko ee ESPN.

 

Manchester United will be desperate to keep hold of shot-stopper David de Gea this summerAnder Herrera claims De Gea picks up valuable points for United over the course of a season

Source: Sports

Call to listen LIVE +16417938169